ONLF Maxaan Ku Xusuusan Doonaa?

Wiilal & gabdho u dhabar adaygay halgan dheer, noqday dhardhaar uu ku dul jabay hagardaamadii Melez Zenawi, Dibindaabyadii Hailemariam, jillaafooyinkii jawaasiista, iyo hiil xumada Soomaalida inteeda xun ee cadaw kalkaalka ahayd.

ONLF Melez iyagoo taagan buu qataabsaday, Halemariam-na iyagoo taagan buu huleelay, waxay u sabreen ooy la sabartameen cadaw ka xoog & xeelad badan, waxay Soomaali bareen mintid, midnimo & isku tashi, ha kacaa kufeen, ha daaleen, ha lawiiqo, waxaa la kiraysan waayey maankooda, waxaana laga leexin waayay ahdaaftay beegsanayeen.

Guushu ma’aha uun inaad magaalo qabsato, waxay noqon kartaa inaan maanka lagaa qabsan, mana aha in lagu doorto oo kaliya, ee waa inaadan dariiqii mabaad’iidaad xambaarsanayd aadan raadkoodii ka weecan ood ku adkaysatid.
Nasiib daro, Waxay gayiga Geeska Afrika ka noqdeen badeecad suuq-gaynteeda lagu tartamo , laguna qaado doomo ay naakhuudayaal ka yihiin inta Soomaali ugu liidata een gacal iyo gaal aan kala aqoon. Kuwa jamhuuriyadda Soomaaliya kala googoostay ( maamul goboleed) dhiibis & dhangad bay isugu dareen, afhayeenka shayaadiinta Al shabaabna wuxuu ku sifeeyey ” Ciyaalasuuqiin ay mamnuuc ka tahay wilaayadka aan maamulno “, dawladdeena nabad & nolol-na golaheedii wasiiradu ( in yar mooyee) waxay qalinka ku duugeen inay tahay ONLF ” Argagixiso aaanan loo oggolayn meel ka mida qaranka Soomaaliya”.

“Eebbow geyiga oo dhan waa nalaga guulaaye,
Eebow Waa noo gedleeyaan dadkii gacalka ahaaye,
Eeboow Villa Somalia kolay tahay nala gamuunneeye! Farmaajiyo Fahad Yaasiin wakaa na foodhi-gaaleeyey,
Tolna maahoo dulmay nagu gelaayaane Gabbaad kale hadday noo helaan waa gam’i lahayne ,
Eebbow waxay nagu gabreen TPLF & Gabre la heshiiya,
Eebbow halgan Soomaalinimo iyo waxaan axdi qarameedkii hore ku dhamaanay, wakaa Argagixiso lanoogu yeedhay,
Eebbow garow kagamaanaan helin gobonimadoonkaan wadnaye,
Eeboow rag goboo guni rifaysaan nahaye.”

Bashar dadaalkii wuxuu u ban yaalaa dhaliil & toosine, waxay ku dhaliilan tahay inay ka gaabisay yaggeelidda masrax mideeya umadda inteeda badan, sidaa darteed bay Soomaali badani waxay dareemeen in magaca “O” du duudsanayo xaq ay lahaayeen loona baahnaa in halganka loogu wanqalo magac kulmin kara umadda. ONLF-na waxay in badan kaga jawaabtay magacu inuu yahay sumad hashii maandeeq ahayd lagu baadi goobayo, intaasi waa iga bogaadin.

Waxaan qabaa in kulankooda Asmara uu bar bilow barakaysan u noqdo soo afmeeridda ummadda kala baarantay dhinac aragti iyo wax qabadba, una gogolxaadhaan midnimo guud oo leh hal udub-dhexaad oo ay ku wareegto, taasi waxay soo dedejin kartaa miciya-u-siibka dhibaatada, meehannowga, masiir -dilka umadeed iyo ilxumada riiqday ummadda Soomaaliyeed ee gobolkaa Ogadenya ku nool.

Dhanka kale, waxaan leenahay hoggaanka ururku waa inay u dacay xidhnaadaan bulshada inteeda badan, waa inay ka faa’iidayataan wajigan cusub uu dalku galay, waa inaysan wax ku eegin diirad jabhadnimo ee ay qaddimaan waxgaradka bulshadooda taasina waxay ku iman kartaa inay dhabarka daaciyaan umaddana ku daadaheeyaan dulqaad, isu dhimrin walaalnimo, astaan Soomaalinimo iyo la shaqayn urur bulsheedyada saaxada taagan.

 

W/Q: Horsed Noah

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.