Waxaa shalay oo ay taariikhdu ku aadanayd 26-12-2008 xaafada korsten ee magaalada Port Elizabeth ee wadankan koonfur Afrika lagu qaybiyay lacag.
lacagtan oo ay qaybiyeen niman ka tirsan ururka WSLF, ayaa waxaa lasiiyay shaqsiyaad ay u arkayeen inuu kasoo horjeedo halganka ay JWXO kawado Gudaha iyo dibada Ogadenia. lacagta oo aan ilaa hada lahayn tiradeeda dhabta ah ayaa ilaa shalay maanshaysay suuqaqa lagu iibiyo qaadka ee magaalada Port Elizabeth ee wadanka looga yaqaano (beerta).
Lacagtan oo ujeedada loobixiyay ay ahayd in bulshada dhexdeeda khalkhal lagu galiyo isku dir iyo dacaayad badanna lagu fuliyo ayaan la ogayn meesha ay markii hore katimid iyo cidii kudeeqday. waxaa waayadaan jira barnaamijyo ay fulinayaan safaaradaha Ethiopia, qorshe lacageed ayayna eega wadaan lacagtaasoo lasiinayo cidkasta oo halganka kasoo horjeeda, waxaana loobadinayaa inay lacagtan ay bixisay safaarada Ethiopia ee wadankan Koonfur Afrika, lana soomariyay kuwa isku sheega inay wakiilo uyihiin ururka WSLF.