Cadawga wuu jabayaa - Wararkii naga soo gaaray Goobaha dagaalka
Waxaa ka socda dalka Ogadenya dagaalo xoogan oy Ciidanka Waddaniga Xoreynta Ogadenya (CWXO) ku weerarayaan xeryaha gumeysiga Itoobiya. Weerada isdabajooga ah iyo dhabagalka ay fulinayaan CWXO waxay keentay in maleeshiyadii (Hawaarin) ee Ciidanka Itoobiya dhidid dhowrka u ahaa oo ka koobnaa dhalinyaro la khalday ay ka kala cararaan xeryihii loo ooday. Waxaa meela badan laga soo warinayaa in dhalinayaradaasi ay badankood noqdeen kuwo goboladii ay ka soo jeedeen u goostay iyo kuwo isu soo dhiiba CWXO.
Waxay sheegayaan dadka xog-ogaal u ah xafiisyada gumaysiga in fashilaada isdaba-jooga ah ee goobaha dagaalka ka soo gaaraya gumaysiga iyo adeegayaashiisa ay sabab u tahay isqab-qabsiga iyo dacwadaha ka dhex socda maamulka gumaysiga uga adeega Jigjiga. Dacwadaha ka dhex socda kooxdan daba-dhilfka ah iyo xil ka qaadista ayaa weli socota iyadoo ilaa hadda jagooyinkii uu gumeysta ah u hayey laga qaaday Daa'uud Axmaar, laakiinse uu dagaalkii iyo is rifkoodii weli wuu halkii ka socda. Waxaana la hadal hayaa inay kooxdii Daauud uu dhigtay meelaha muhiimka ah lagu dabajiro, lagana yaabo in badankood xabisga la dhigo.
Dagaalada ay naga soo gaareen warbixina iyo meelahay ka socdaan ayaa waxaa ka mid ah; Duud Gebiga Faareysa, Mula, Karin Cagaar, Daarasalaam, Garbo, Dh/Madow, Badja jeex, Abaaqorow, Higlaley, Qarsoodi, Qolad, Jirriska.
Wadarta guud khasaaraha ka soo gaaray cadawga dagaalada aan helnay warbixintooda waxay noqonayaan 76 dhimatay iyo 58 ay dhaawac ahaan ay u sii xambaarteen.
Faafaahinta dagaaladaa ayaa waxay u kala dhecee sidan;