| Ogaadeeniya Wayxoroobi (Saado Ali Warsame) |
 |
| Filimkii oohinta qarsoon(Silent Cry) Copenhagen-Denmark |
 |
| Filmkii Silent Cry oo lagu soo bandhigay Washington DC |
 |
| TV Aljazeera English Waxa Kasocda Ogaadeenya Ma Daafurtii Labaad baa |
 |
| Isaias Afwerki's advice |
 |
| Gabdhaha JWXO |
 |
| Wareysi Abaanduulaha CJWXO Naftiihure Abdikarim |

 |
| Kaftan Ma'aha kulankan waaberi |


 |
| Wareysi Melez Zenawi p2 |
 |
| G20 Summit Rally |
 |
| Mudaaharad UK G20 |
 |
|
| Maxaa ka dhacay Jimcihii Jaamacadda IUA ee Sudan |

Waxaa xalay oo jimca ahayd ka dhacay jaamacada africa ee Sudan wax ay ugu magac dareen nadwo ku saabsan heshiiskii dhax marey jabhadaha iyo Itoobiya fursadaha ay haystaan iyo caqabadaha horyaala.
Inta ayna dhicin hawshani ayay ardaydii jaamacadda ku taliyeen sidii loo joojin lahaa. Hawl iyo dadaal dheern markay samayeen ka dib ayaa qaacadii jaamacadda ay ku talagaleen laga xidhay taaso ay uga wareegeen inay ku qabsadaan qaacooyinkii caadiga ahaa ee jaamacada inkastoo ay balan qaadeen in aanu dhacaynin shirkaa maadaama ay ardayda diideen in wax dhalin kara kala qaybsanaan ardayda dhexdooda aan laga fulinin. Hasa ahaatee markii arintii laga joojiyey ayay go'aanasdeen in ay kireystaan qaaco kale oo isla jaamacada africa uun kutaala laakiin ah qaaco dawliya oo maamul gaara leh laguna qabto shiraraka waa wayn ahna qaaco ganacsi oo ka fudud kuwii hore wayna kireysteen lacagtana sida aan ku helnay warar sugan waxaa bixiyey shirkada KAAH kuwa u fadhiya Khartuum.
Aritaa markay ogaadeen ardaydii ayay go’aansadeen bal inay xaadiraan si ayna nimanka maamulaya shirka u khaldin rayi caamka Soomalida. Waxaa lagu qorey hadalka inay soo jeediyaan labo nin oo lakala yidhaahdo Axmad Cabdulaahi iyo Cali sh Maxamuud.
Axmad cabdulaahi ayaa ah ninka ka danbeeyey hawshan waana nin ka trirsan ajo-gudhay isla markaana ah wakiilka KAAH u fadhiya Sudan. Cali sh Maxamuud-na waa nin Tadaamun ah oo inbadan la dagaalamay ardayda luguna tuhunsan yahay inuu ka danbeeyey dhibaatooyin badan oo ka soo gaadhay ardayda dhinaca Sudan iyo Safaarada gumaysiga, wuxuuna hada ka yimid JigJiga oo uu muddo la soo shaqayn hayey dabadhilifyada halkaa jooga.
Intayna hawshu dhicin ayay ardaydu u wada digeen kuwii qaban qaabin hayey iyo labadan ninna. Hasa ahaatee waxay ku adkaysteen in ay qaban hayaan shirka iyo handadaad kale.
shirka markuu bilowday oo labadoodiiba ay wax badan oo been ah ku hadaaqeen iyagoo aad u amaanay heshiiska waxa ay ku magacaabeen aadna ay u amaanaya Tigreega oo ay sheegeen inay jecel yahiin cunsurka Somaliga ah iyagoo leh anaga ayaa waxba laqabsan waynay markay soo galeen Tigreega dalkeena. Waxaa la yaab lahayd inay khaladaad badan dusha ka saareen umadda Somaliyeed iyagoo yidhi dambiyadii aan ka galnay Tigreega ayaanu dib isu xisaabinay. Waxay sidoo kale ay aad u amaaneen Cabdi ilay oo ay sheegeen in uu yahay nin aad u fiican oo Somaliya lagana takhalusay sida ay hadalka u dhigeen ninkii hore oo ahaa axmaar iyo in ay JWXO qayb santahay iyo wax yaalo badan oo kale.
Kadib markay labadii nin ee hadalka lahaa dhamaysteen hadalkii lana soo gaadhay waqtigii ardayda fikradooda dhiiban lahaayeen ayay waxay yidhaahdee waxaa khadka ku jira Ibraahin dheere iyo Salaaxudiin oo iyagana kasoo jeedin haya khudbado dhinaca telephonka aha.
Halkaa markay mareyso oo ayna wali khadka xidhiihdinin ayay ardaydii qabsadeen manasadii ama goobtii shirka laga hagayey waxayna dadkii u sheegeen inaan la dhagaysan doonin labada nin ee la sheegay oo dambiilayaal ah. Intaa kadib waxaa bilawday gacan gahadal oo dhalin yaradii ardayda ahayd uu mid ka mida ninkii shirka hagayey u gacan qaaday halkaasna waxaa ka bilowday dagaal socday muda oo gacan ka hadal ah.
Dagaalkaa ka dib ayay bilaabeen inay dajiyaan ardayda iyagoo leh waan joojin haynaa niman kaas idinkaana hadalka qaadanaya. Makarafoonkii ayay ardaydii la wareegeen dadkiina waxaan usheegeen in waxay nimankani sheegayeen uu gabi ahaanba been yahay. Isla markiiba waxaa soo galay nin ka socday Jaamacada oo ogaaday inuu dagaal meesha ka dhacay wuxuuna la wareegay hawshii shirkiina wuu xidhay.
Ujeedada shirka loo qabtay oo ahayd iskuday in labada dabaqoodhi ee Ibraahin dheere iyo dhagar qabe Salaaxudiin la dhagaysto ayay ardaydii ku guulaysteen inay is-hortaagaan. Danta kaliya ee ay ka lahaayeen isu imaatinkana wuxuu ahaa un in nimankaa khdka lasoo galiyo been toodana ay halkaas ka shubaan.
Waxaa kaloo muhiima inay umadda ogaato in ay hawshan maal galisay KAAH kuna talagashay wax kastoo ka dhacay halkaa.
ONA/Sudan
|
| Xulashada Heesaha Fanaaniinta Soomaalida ( Dooro Fanaanka aad Rabto kadibna iskii ayuu isubadali) |
|
|
|
| Login |
Not a member yet? Click here to register.
Forgotten your password? Request a new one here.
|
| Gesigeygaa la dhiibayaa |
 |
| Gabay ku socda Farrole one Star! |
 |
| http://www.silentcry.co.uk |
 |
| Cajalad cusub ee Kooxda gantaal |
 |
|