September 07 2010 16:14:21
Bogga Hore
Home
Gabayo
Heesaha Somalida
News in English
News in Arabic
Blogs and Bloggers
Articles| Maqaalo
Forum | Gole
Rayiga Dadka (talo bixin)
Web links
Nala soo Xiriir
Photo | Sawiro
Search | Raadi
Wararkii Hore
News Categories
Contact Us

Wararka Ogaadeniya
waraka Soomaliya

Xoriyo TV live
ogadennet TV
Al Jazeera English TV live

B B C - S O M A L I
BBC SOMALI 4:00
BBC SOMALI 11:00
BBC SOMALI 14:00
BBC SOMALI 18:00

Radio xoriyo
Radio Ogaal Live
Radio Ogaal
Westside 88.6 FM

VOA Som 6:30 AM
VOA Som 4:00 PM
VOA Som 7:00 PM
VOA Som 8:00 PM

Wareysi G/X2 Cadaani Hirmooge(Radio Ogaal
Wareysi Abdirahman Mahdi (BBC Somali)
Wareysi GX1 Mohamed Ismacil (Radio Ogaal)
Wareysi Gudomiyaha JWXO Adm. M. Omar

Maqal iyo Muuqal

waberi
dhalinta Ogaden
gabdhaha JWXO
hangyourchild
Ogaadeeniya Wayxoroobi (Saado Ali Warsame)
Filimkii oohinta qarsoon(Silent Cry) Copenhagen-Denmark
Filmkii Silent Cry oo lagu soo bandhigay Washington DC
TV Aljazeera English Waxa Kasocda Ogaadeenya Ma Daafurtii Labaad baa
Isaias Afwerki's advice
Mashruuca Dhanaan
Mashruuca Dhanaan qaybta P1 iyo P2
Askari Itoobiyan
>>Itobiyan soo baxsaday
Gabdhaha JWXO
Wareysi Abaanduulaha CJWXO Naftiihure Abdikarim

Kaftan Ma'aha kulankan waaberi


Random media
Latest Articles
Kaba tolaw ma halkaa...
Beenta hal lug ayay ...
Ma taqaanaa Gobolka ...
Warbixin ku saabsan ...
Maalgashiga Jigajiga...
>> Halkan ka daawo Universal TV
>> Halkan ka daawo Aljazeera TV oo live ah
Wareysi Melez Zenawi p2
G20 Summit Rally
Mudaaharad UK G20
Sirdoonka Itobiya ee PIS maxay u qabteen Suldaan Jaamac X. Ibraahim
onanews
Hadaan ku horeyno habka loo qabtay Suldaanka oo shabakadaha af-Somaliga ku hadla ee wax ka qora arimaha Somaliya ay dhamaantood ka faaloodeen, ciidanka loo yaqaano PIS ee laga maamulo mushaharkana laga siiyo Addisababa ayaa amin habeenima waxay ka kaxaysteen Suldaanka Hotel ku yaalla ku magaaladda Galkacyo, iyagoo si xoog ah oy ka muuqato argagixin ku soo galay hotelka ka dibna kala baxay, ka dibna u kaxaystay meel aan la ogayn balse warar is-khilaafsan ay sheegayaan in loola dhaqaaqay dhanka magaaladda Garoowe ee gobolka Nugaal.

Shacabkii daganaa magaalada Gaalkacyo ayaa arinta aad uga xumaaday, iyadoo la sheegayo inay odayaasha qaarkood ay gadood ka muujiyeen dhacdadan, inkastoo shacabka iyo cuqaasha Somaliyeed ee dagan gobolada ay gacanta ku hayaan ciidanka iyo sirdoonka Itobiya aanay wax awood ah oo macnawi ah ku lahayn halkaa.

Waxay durbadiiba ay suuqa soo galiyeen ciidanka sirdoonka ee loo yaqaano PIS inuu Suldaanka ku hawlanaa inuu gacan ka geysto wiil dhalinyaro ah, oo ay xabsiga u taxaabeen ciidamadda PIS hadda ka hor, oo lagu eedeeyey inay ku qabteen walxaha qarxa uuna ka mid yahay Xarakada Al shabaab.

Dad badanoo reer Gaalkacyo ah oon kala xidhiidhnay halkaa waxay noo sheegeen inaysan arintaasi waxba ka jirin, hasa ahaatee uu Suldaanka u yimid dhibaato qolo dadka uu madaxda u yahay oo baabuur beesha meelahaas degta ay qabsadeen. Waxaa kaloo uu keenay isbitaal ku yaala magaalada xaaskiisii oo bugta inuu ka daweeyo.
Suldaanka sababaha loo doortay iyo hawlaha uu qabanayayba waxaa ka dambeeyey maamulka ka dhisan PL iyagoo ka dalbaday inuu u dhexeeyo shacabka S.Ogadenya ee halkaa dagan iyo maamulkaasi. Waxayna muujinaysaa dhacdadan akhlaaq-xumada maamulkaa iyo inuu fulinayo siyaasadda Itobiya ay ka leedhay Somaliya.

Sababaha dhabta ah ee ka dambeeya xidhiitaanka Suldaanka waxaa ka mid ah jahawareerka haysta Itobiya oo darentay inay JWXO ku guulaysatay in shacabka Somaliyeed uu fahmo ujeedada Itobiya ee ah inay baabi’yaan dareenkii wada-dhalsho ee ka dhexeeya shacabka Somaliyeed si qabiil walba uu goonidiisa ugu xidhmo Adisababa.

Waxay Itobiya ka argagaxsan tahay talaabooyinka ay qaadeen madaxda JWXO sida shirkii ay jaaliyadda S. Ogadenya ku qabteen London oo siyaasiyiin iyo aqoonyahan Somaliyeed ay kaga hadleen dhibaatada Itobiya ay ku hayso guud ahaan shacabka Somaliyeed gaar ahaan Ogadenya. Waxaa ka mid ahaa madaxda sida fiican uga hadlay (sida ay qortay shabakadda www.alcarab.com) C/qaadir Xaaji Masalle, oy ku tilmaantay siyaasi rug-caddaa ah oo xilal sarsare ka soo qabtay dowladihii Soomaaliya ka jiray intii ka horraysay burburkii Soomaaliya. C/qaadir Xaaji Masalle wuxuu ku dheeraaday dhibaatada ay Itoobiya ku hayso dadyowga ku dhaqan gobolka Geeska Afrika, wuxuuna tilmaamay in xasillooni darrada ka jirta Geeska Afrika ay Itoobioya sal-dhig u tahay. Wuxuuna caddeeyay in dhibaatada lagu hayo dadwaynaha Ogaadeenya ayna ahayn kuwo indhaha laga qarsan karo, isagoo sheegay inay dadwaynahaasi ay mudan yihiin in lagu taageero halganka ay xornimadooda ugu jiraan.

Waxaa kaloo ka mid ahaa Xuseen Maxamed Caydiid, oy tidhi shabakadda alcarab.com waa siyaasi soomaaliyeed oo aad loo yaqaano. Xuseen Caydiid ayaa ku dheeraaday hagardaamooyinka ay Itoobiya u maleegayso dadka soomaaliyeed, meel kastoo ay ku nool yihiin isagoo ka sheekeeyay dhacdooyin badan oo uu goob-joog u ahaa, kuwaasoo dhammaantood ka turjumaya sida ay Itoobiya ugu dadaalayso burburinta qaranka soomaaliyeed.

Xuseen Caydiid ayaa shirkaasi cudurdaar ka bixiyay, isagoo ku hadlaya magaca siyaasiyiinta iyo waxgaradka soomaaliyeed, dadwaynaha aan waxba galabsanin ee reer Ogaadeenya ee maamullada Woqooyi Galbeed iyo Woqooyi Bari ee Soomaaliya ay u dhiibayaan xukuumadda gumaysiga Itoobiya, isagoo tilmaamay in denbiyadaas foosha xun ayna masuul ka ahayn dadwaynaha soomaaliyeed ee gobolladaas ku dhaqan, balse ay tahay gabood-fallo ay maamulladaasi ku kacayaan. Xuseen wuxuu yidhi; “Sida uuna maamulka Kililku u matalaynin dadwaynaha Ogaadeenya ayayna maamullada Woqooyi Galbeed iyo Woqooyi Bari iyaguna u matalayin shacbiga gobolladaas ku nool.”

waxay kaloo shabakadda qortay qoonyahanka da’da yar ee soomaaliyeed C/casiis “Xildhibaan” oo isaguna madasha ka hadlay oo si qiiraysan uga galiilyooday dhibaatada lagu hayo dadwaynaha Ogaadeenya. Mudane Xildhibaan ayay qortay shabakadda in iyadoo la arkayo ay Ilmo dhabannadiisa ka deganayeen, isagoo shirka hortiisa ka ballanqaaday inuu hiil iyo hooba la garab taagan yahay halganka Ogaadeenya.

Arimahaasoo dhan marka la’isu geeyo waxaa dhab ah in ujeedada ay ka leedahay Itobiya qafaalashada Suldaanka ee ciidanka sirdoonka loo yaqaano PIS ay u fuliyeen ay ka mid tahay sida ay sheegeen siyaasiyiintaa Somaliyeed kala gaynta shacabka iyo isku-dirkooda. Waxaa kaloo aan meesha ka madhnayn in la tuso dadweynaha S.Ogadenya ee dagan gobolkan inay Itobiya maamusho halkanna si loo argagixiyo.

ONA/Boosaaso.
Comments
No Comments have been Posted.
Post Comment
Please Login to Post a Comment.
Ratings
Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Xulashada Heesaha Fanaaniinta Soomaalida ( Dooro Fanaanka aad Rabto kadibna iskii ayuu isubadali)
Mp3 Player

>> SABTI
>> AXAD
>> ISNIIN
>> ARBACO
Login
Username

Password



Not a member yet?
Click here to register.

Forgotten your password?
Request a new one here.
Gesigeygaa la dhiibayaa
Gabay ku socda Farrole one Star!
>>XORIYO TV live
http://www.silentcry.co.uk
Barnamikii Aragtida Halgamaaga
>>Halkan Ka dhageyso (waa barnamij xiiso leh
Cajalad cusub ee Kooxda gantaal
>>Halkan kadaawo horudhaca riwaayada
Random Photo
Random media
Forum Threads
Newest Threads
ACWW
ACWW
safaarada itoobiya i...
Hadda Howl dhamaatay
baahi loo qabo saxaa...
Hottest Threads
ACWW [2]
Kooxda SomaaliGal... [2]
waad kumahadsan t... [2]
Hadda Howl dhamaatay [1]
Maamulkii Dawladd... [1]
RSS Feeds at the site
RSS - Pictures
RSS - Forum
RSS - News