Itobiya waxay aad isugu mashquulisay dacaayad qof kastoo caqli leh u muuqata oo aan uga hirgalaynin shacabka S.Ogadenya dhexdiisa. Maahmaahdii ahayd –Dawaco meeshii ay macal uga baratay macaluul ugu bakhtidaa- weeye xaalka Itobiya. Waxay ku soo guulaysatay Somaliya inay qabiil iyo been abuur aan jirin ay ku kala qoqobto oy ku maamushay iyadoo siyaasiyiintii iyo dagaal oogayaashii ay midba midka kale madaxa ugu dhufatay. Waxay ku guulaysatay inay maamulo u adeega ay ka abuurto Waqooyi iyo Bariga Somaliya oo u kala tartama iyagoo laba aliflayaasha Wayaanaha ee loo soo diro siiya hantidii ay shacabka masaakiinta ah canshuuraha uga qaadeen iyo soo dhaweyn lagu soo dhaweeyo waxyaabo diin ka bax ah, dhaqankana ku ah sharaf dhac. Waxaa weli ka daadagi la’ oy garaysan la’dahay inuu shacabka S.Ogadenya ka duwan yahay kuwaa, kana wacyi sareeyo, dhaqanka Itobiya iyo fulaynimadoodana ka yaqaano.
Waxay filayeen markii ay caalamka kula dhex rooreen inay wadahadal iyo heshiis iyo xabad-joojin iyo cafis u fideeyeen kooxihii is-dhiibay, ka dibna ay shabakadaha u adeega cadawga ay ku soo qorqoreen reer hebel iyo jaaliyad hebla ayaa taageeray heshiiskii is-dhiibka, waxay filayeen inay JWXO iyaguna u soo dirsan doonaan wafdi ka dalba in wadahadalka laga qayb galiyo. Waana siday uga barteen Somalida. Waxay ku noqotay la yaab inay jawaabtii JWXO noqotay dagaaladii CWXO oo sii xoogaystay iyo halgankii siyaasiga iyo abaabulka ahaa ee dibadda ka socday oo sii labanlaabmay. Jahawareerkii ku dhacay waxay dhalisay inuu KT Zinawi amaan ka badiyo wuxuu ugu yeedhay qabiilka Ogadenka ah, kuna tilmaamo Sayid Maxamad C. Xasan inuu ahaa aabaha halganadii xoriyadda Afrika. Waa un كلمة حق أريد بها باطل . Hasa ahaatee wax ay ka badashay ereyadaasi fikirka halgamaaga JWXO ma jirto, mana dhici doonto inay mar labaad ku khaldaan Wayaanaha TPLF shacabka S.Ogadenya dacaayadahaa raqiiska ah.
Ugu dambayntii waxay u gaysay inuu maxaabiistii u xidhnayd ee lagu jidh dilayay jeelka loola baxay Jeel Ogadeen lagula gorgortamo inay taageeraan kooxihii is-dhiibay oy ka hadlaan makarafoonada idaacadaha. Gumaysiga Itobiya oo ah qashiin aan garanayn wixii ka gadmi kara caalamka iyo waxaan ka gadmi karin, wuxuu fahmi waayay shaqsi aan xor ahayn oo xabsigiisa ku jira oo dambi la’aan ku xidhnaa, markii la rabana uu ku celin karo xabsigii uu yidhi waan ka soo daayay hadaladiisa inaysan qiimi lahayn. Waxaa lagu qoslay Itobiya markay sheegtay in garab weyn oo JWXO ka faliidhmay ay heshii la galeen, iyagoo yidhi 20 ka mid ah xubnihii G/Dhexe ayaa la socda dambiile Salaax.
Itobiya way fashilantay siyaasi ahaan iyo ciidan ahaanba, waxayna mareysaa marxaldii rafashada iyo xumbo cuskashada. Dhariga maxaa karka ka keenay? Ma u malayn Itobiya oo xoog ay wax ku maquuniso leh, inay u yeedhan lahayd Ibraahim dheere iyo wadaadada masaakiinta ah ee laga soo eryay Xamar. Mase u malayn Itobiya oon sakaraad ahayn inay maxaabiistii u xidhnayd intay jaakada u xidho (waa sida uu yidhi Sooyaane) ay gawaadhi ku dhex marin lahayd Jigjiga?
Cadceed soo baxday sacabo laguma qarin karo. Guusha JWXO ee dhan walba ah wuxuu u horseedi doonaa Geeska Afrika wada-noolasho ku dhisan sinaan, xoriyad iyo cadaalad.