Shirweynihii Jaaliyadaha S.Ogadeenya oo si rasmi ah u furmi doona berri
Wufuudan oo matalaya jaaliyaadka ay ka kala yimaadeen ayaa waxaa si kal & laab ahugu soo dhaweeyay garoomada magaalada Stockholm jaaliyada martida loo yahay ee ka hawl gasha wadanka swedan.
Ergooyinka ayaa waxay ka soo kala boqoleen guud ahaan qaarada Europe,USA,Canada,Australia,Africa & Asia. Kasoo qaybgalayaasha ayaa waxaa loo sii hoyiyay hoteel gooni ah oo loogu sii diyaariyay casho sharaf & jiif. Shirwaynaha jaaliyaadka somaalida ogadeenya oo sanadkiiba mar la qabto ayaa si rasmi ah uga furmi doonaa bari subaxa hore.
shirkanweynahan ayaa u muuqda mid ka jawi badalan shirarkii hore ee ay yeelan jireen jaaliyaadka ogadeenya ee caalamka.shirkanweynahan oo lagu martiqaaday madax sare oo isugu jirta wafuud sare oo ka tirsan jabhada wadaniga xoraynta ogadeenya (JWXO),maamulada jaaliyaadka somaalida ogadeenya ee aduunka, kaadir badan oo isaga kala yimid wadamada caalamka, ururo u dhaq dhaqaaqa xuquul insaanka,xeel dheerayaal ku takhasusay dagaalada & xasiloonidarada,xubno mug ku leh siyaasada caalamka,aqoonyahano isugu jira ajaanib & kuwo udhashay wadanka ogadeenya,saxafiyiin kala duwan & xubno iskood isu soo abaabulay si ay uga qaybgalaan kulankan oo meeqaanweyn ku leh jaaliyaadka soomaalida ogadeenya ee aduunka. Madasha shirka ayaa waxaad arkaysay xubnaha oo is ku boobaya salaan ay ku dheehantahay kalgacayl & xiiso sidoo kale waxaa shirka isugu yimid xubno in badan ku kala baahsanaa aduunka oo gumaysiga dartii awoodi waayay in ay kulmaan.
Kasoo qaybgalayaasha ayaa waxaa ay caawa isku xogwarsan doonaan rugta ay jaaliyadu dajisay.sidoo kale waxaa goordhawayto lagu soo dhaweeyay wafti heersare ah oo uu hogaaminaayo gudoomiyaha jabhada wadaniga xoraynta ogadeenya admiral maxamed cumar cismaan ayna weheliyaan hogaanka arimaha dibada ee JWXO & masuuliyiin sar sare oo kale.