September 07 2010 15:55:26
Bogga Hore
Home
Gabayo
Heesaha Somalida
News in English
News in Arabic
Blogs and Bloggers
Articles| Maqaalo
Forum | Gole
Rayiga Dadka (talo bixin)
Web links
Nala soo Xiriir
Photo | Sawiro
Search | Raadi
Wararkii Hore
News Categories
Contact Us

Wararka Ogaadeniya
waraka Soomaliya

Xoriyo TV live
ogadennet TV
Al Jazeera English TV live

B B C - S O M A L I
BBC SOMALI 4:00
BBC SOMALI 11:00
BBC SOMALI 14:00
BBC SOMALI 18:00

Radio xoriyo
Radio Ogaal Live
Radio Ogaal
Westside 88.6 FM

VOA Som 6:30 AM
VOA Som 4:00 PM
VOA Som 7:00 PM
VOA Som 8:00 PM

Wareysi G/X2 Cadaani Hirmooge(Radio Ogaal
Wareysi Abdirahman Mahdi (BBC Somali)
Wareysi GX1 Mohamed Ismacil (Radio Ogaal)
Wareysi Gudomiyaha JWXO Adm. M. Omar

Maqal iyo Muuqal

waberi
dhalinta Ogaden
gabdhaha JWXO
hangyourchild
Ogaadeeniya Wayxoroobi (Saado Ali Warsame)
Filimkii oohinta qarsoon(Silent Cry) Copenhagen-Denmark
Filmkii Silent Cry oo lagu soo bandhigay Washington DC
TV Aljazeera English Waxa Kasocda Ogaadeenya Ma Daafurtii Labaad baa
Isaias Afwerki's advice
Mashruuca Dhanaan
Mashruuca Dhanaan qaybta P1 iyo P2
Askari Itoobiyan
>>Itobiyan soo baxsaday
Gabdhaha JWXO
Wareysi Abaanduulaha CJWXO Naftiihure Abdikarim

Kaftan Ma'aha kulankan waaberi


Random media
Latest Articles
Kaba tolaw ma halkaa...
Beenta hal lug ayay ...
Ma taqaanaa Gobolka ...
Warbixin ku saabsan ...
Maalgashiga Jigajiga...
>> Halkan ka daawo Universal TV
>> Halkan ka daawo Aljazeera TV oo live ah
Wareysi Melez Zenawi p2
G20 Summit Rally
Mudaaharad UK G20
Riwaayadii Wayaanaha ee Adisbaba lagu dhigay
onanews

Kooxdan Wayaanaha ah ee xukunka Adisababa gacanta ku haya waxay isu haysta inay dacay sudheen shacabkii Somaliyeed oo meeshay doonaan ay kolba u jahayn karaan.
Horaa loo yidhi dhurwaa la tag bartay ka rida laguma karo. Waxyaaba badan oo Somliya uga soo hirgalay mudadii ay khiyaanada kula dhex jireen ayay hadda is-yidhaahdeen ku daya bal inay idiinkaga hirgasho Ogadenya. Waxay jecelyihiin inay la yeeshaan afraada ka liidata xag aqooneed iyo xirfad siyaasadeedba, hasa ahaatee leh damac madaxtinimo waxay ugu yeedhaan shir. Waxaa la wada ogsoonyahay shirkii Embagathi-Kenya ee 3da sano loo fadhiyay ujeedadii ay ka lahayd Itobiya ee ahaa inay saaxada ka fogayso qof kasta oo aqoon lahaa iyo qof kastoo wadani ah oy ku jirtay Somalinimo. Riwaayadda laga dhigay Addisababa ee la yidhi waxaa heshiis ku kala saxiixday Ibrahim dheere iyo dawlada Itobiya waxba kama duwana riwaayadii lagu soo daawaday Emabagathi ee natiijadii ka dhalatay ilaa maanta ay socoto.

Shabakadda Walta Infor. Centre (WIC) ee ku hadasha afka Wayaanaha ayaa si fiican uga warbixisay warqadaha loo dhiibay Ibrahim dheere ee isagoo ku faraxsan uu ka gudoomay wasiirka Itobiya u qaabilsan arimaha federaalka Dr. Shiferaw Teklemariam oo sida ka muuqata sawirka qarin kari waayay yasidda qofka hortaagan iyo waraaqaha uu saxiixay.

Waxay qortay shabakada WIC sidan; -- (According to the peace deal, the government of Ethiopia agreed to grant amnesty to all leaders and prisoners of UWSLF. The Ethiopian government also agreed to rehabilitate and integrate Front’s soldiers in to the community.) Oo macnaheedu yahay; sida uu dhigayo heshiiska, xukuumadda Itobiya waxay ogolaatay inay cafiso madaxdii iyo xubnihii kaga jiray xabsiga UWSLF. Waxay kaloo xukuumadda Itobiya ogolaatay inay dhaqan celin u samayso ciidankii jabhadan oy mujtamaca dhexgalaan.

Waxay qortay oo kale shabakadda WIC ee Wayanaaha in ururka UWSL uu dhankiisa ogolaadahy inuu joojiyo colaadii isla markaana uu si muuqata uga fogaado wadadii uu horey u haystay oo dastuurka Itobiya uu ixtiraamo (The UWSLF on its part agreed to stop its state of insurgency and make a definitive shift from its former position and abide by the constitution.)

Waxyaabaha lagu qoslo ee loo dhiibay Ibraahim dheere inuu isaga dhigo ina libaax san ka taabte waxay ahayd inuu ka yidhaahdo Addisababa qodobka 39aad ayaan ku raadsanaynaa xaqoodanada aaya-ka-tashi oo noo ogolaanaya siduu hadalka u dhigay inaan go’no. Wasiirka Itobiya ayaa isagana yidhi sidoo kale (He said; the peace deal gives substantial guarantees to nations, nationalities and people of Ethiopia including full rights of self determination up to secession.) .. Heshiiskan wuxuu siinayaa qawmiyaadka iyo shacabka Itobiya xuquuq buuxda inay aayahooda uga tashadaan ilaa heer go’itaan.

Tolow yay malaynayaan inuu riwaayadan ka rumaysan doono. Qodobkan oo la wada ogsoonahay inuu ururka TPLF ugu darsaday dastuurka suu gobolkiisa u goosto hadii Itoibiya xukunkeeda laga wareejiyo, waxaa la wada ogsoon yahay inay ku xidheen shuruudo aan iyaga mooyaane qawmiyad kale fulin karin. Sida; Inuu baarlamaanka gobolka ee Cabdi ilay uu madaxda ka yahay aqlibiyad ku soo ogolaado marka ugu horeysa. Ka dibna uu ogolaado baarlamaanka federal ku sheega oo 547ka ku jirta ay Somalida ku leeyihiin 23. Ka dibna afti laga qaado shacabka S.Ogadenya oy aqlibiyad ku ogolaadaan, anagoo ogsoon doorashooyinka habka loo maamulo. Riwaayada noocan ah yaa laga gadayaa oo ogolaanaya inuu xaqiisaku raadsado ay kumanaanka wiilasheena iyo gabdhaheena ay u soo shihiideen?

Waxaa ka mid ahaa hadalada uu Ibraahim dheere (yaa ka rifa gadhka uu meesha la tagay) ka yidhi goobta ee shabakadda Walta ay qortay; Waxaan dooranaya nabadda si aan u xaqiijino xuquuqul insaanka oon uga qayb qaadano horumarka, intii aan wadi lahayn dagaal oon horumarka ishortaagi lahayn ama aan ku tuman lahayn xuquuqda aanaha ee caruurta iyo haweenka iyo dadka da’da ah. (He said, “We have opted peace in order to ensure human rights and participate in the ongoing development efforts, instead of insurgency activities which hinder development and violate human right of children, women and elderly”.)
Halgankii gobanimadoon ayuu dusha ka saaray dambiyada ay ciidanka Itobiya ka galeen shacabka aan waxba galabsan ee ururada xuquuqul insaanka ay diiwaan galiyeen. Ujeedada ay Itobiya ka leedahayna waa midkaa un. Ereyada noocan ah oo ceeb iyo fadeexad ku ah halgankii shacabigeena ee qarniga soo taxnaa waa qodob lagu soo taagi doono maxkamadda shacbiga Ogadenya goor ay noqotaba.

La-Taliyaha amniga, Abay Tsehaye, ayaa isagana ku darsaday oo yidhi xukuumadda Itobiya waxay diyaar u tahay inay la gasho heshiis, kuwii ogolaada sida kooxdan dastuurka Itobiya isagoo ku gunaanaday hadaaqiisa; waxaan ugu yeedhaynaa kooxaha kaleee nabad-diidka ah inay ku daydaan UWSLF (oy isa-soo-dhiibaan) .. He finally called on other anti-peace elements to follow the United Western Somali Liberation Front’s footsteps.

Ma foga marka ay ogaan doonaan xukuumadda Wayaanaha iyo koxdan is-dhiibtay in aanay riwadanoo kale ka soconaynin Ogadenya.

ONA.

Comments
No Comments have been Posted.
Post Comment
Please Login to Post a Comment.
Ratings
Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Xulashada Heesaha Fanaaniinta Soomaalida ( Dooro Fanaanka aad Rabto kadibna iskii ayuu isubadali)
Mp3 Player

>> SABTI
>> AXAD
>> ISNIIN
>> ARBACO
Login
Username

Password



Not a member yet?
Click here to register.

Forgotten your password?
Request a new one here.
Gesigeygaa la dhiibayaa
Gabay ku socda Farrole one Star!
>>XORIYO TV live
http://www.silentcry.co.uk
Barnamikii Aragtida Halgamaaga
>>Halkan Ka dhageyso (waa barnamij xiiso leh
Cajalad cusub ee Kooxda gantaal
>>Halkan kadaawo horudhaca riwaayada
Random Photo
Random media
Forum Threads
Newest Threads
ACWW
ACWW
safaarada itoobiya i...
Hadda Howl dhamaatay
baahi loo qabo saxaa...
Hottest Threads
ACWW [2]
Kooxda SomaaliGal... [2]
waad kumahadsan t... [2]
Hadda Howl dhamaatay [1]
Maamulkii Dawladd... [1]
RSS Feeds at the site
RSS - Pictures
RSS - Forum
RSS - News