shirka Jaaliyadaha Ogaadeenya ee caalamka kana socda Stocholm caasmadda Swedan oo maanta maraya maalintii labaad & marxalad aad u wanaagsan.wariyaha wakaalada wararka ogaden news agensy oo madasha shirka si toos ah uga soo waramaya eray erayna ula socdoa geedi socodka shirka sanadeedka jaaliyaadka somaalida ogadeenya ee aduunka ayaa no soo tabiyay sida uu maanta shirku u socdo .
shirkann oo ah kii 15aad ee ay yeeshan Jaaliyaadka somaalida ogadeenya ayaa si weyn loo sugayaa go,aamada ka soo bixi doona.
Shirka oo maanta qaybtisii labaad guda galay ayaa wali u socda si aad u wanaagsan ayaa waxaa soo gabagaboobay maanta warbixinadii Jaaliyadaha Ogaadeenya oo dhamaantood ka waramay wax qabadkoodaii & kaalinta ay jaaliyad walba kaga jirto halgankaga, waxaa kamid ahaa Jaaliyadaha Ogaadeenya ee warbixinada Jeediyayay. Sweden, Norway, Denmark, Finland, Jarmalka, Holland, UK, Switzerland, Australia, Waxay sidoo kale soo bandhigeen xogo aad loogu dirsaday & mustaqbalka sida loo wajahayo geedi socodka hawlaha u yaala Jaaliyaadka, jaaliyad walbana waxay muujisay sida ay ugu heelantahay dardargalinta & dadaal ugaar ah oo ay ugu jirto sida ay kor ugu qaadi lahayeen howshooda wax qaban, waxay soo bandhigeen wada shaqanta ka dhexeeya Jaaliyada & wadanka ay lanool yihiin.
Jaaliyadaha oo aan lagu soo koobi karan halkan wax qabadka ay soo bandhigeen ayaa guul ku socda ilaa hadda waxaana ku xigay oo war bixin aad u qiira badan shirka maanta ka jeediyay madaxa Hogaanka Arimaha Ururka Mudana Diirane Abdi Yasiin, wuxuu soo bandhigay sida ay lama huraan u tahay kobcinta tayada Ururka oo marwalba u baahan kor ilaa hoos in ururku siminaaro qaato, wuxuuna cadeeyay in tayada ururku ay ku xidhantahay marka sida ay uga jaaliyaadku isaga xilsaaraan barashada maamulka & siminaaro ay qaataan kuwa aqoonta u lehna ay u kordhiyaan aqoontooda walaalahooda u baahan.shirka oo soo gaba gaboobi doona maalinta bari ah hadii allah ogolaado dib ayaan kasoo tabin doonaa go’aamada kasoo baxa.