Sida aynu wada ogsoonahay Macluusha iyo rafaadka shacbiga Ogaadeenya haysta waa mid uu ka dambeeyo kaligii taliyaha xukuma Itoobiya. Siyaasadaha Itobiya ayaa cadaynaya in gaajadu tahay xeelad military oo lagu gumaado shacabka Ogadeenia. Ka dib markii ganacsigii la xidhay, wadooyinkii quudku soomari lahaana la gooyeey, Ceelashii biyaha la duugay, haya'dihii gargaarka loo diiday inay shacabka u adeegaan, xoolahii la boobay waxna la´laayey, waxaa dadka soo waajahday siyaasad la doonayo in lagu cidhibto.
Waxaase iswaydiin leh xagee Wayanuhu ka keenay siyaasadan arxan darada ah?
Waxaa muhiim in la fahmo inay Wayaanaha dhaqan u tahay ka ganacsiga halaaga shucuubta. Tusaale ahaan, 1984 gobalada waqooyi ee Itoobiya waxaa ku habsaday musiibadii ugu ba’anayd ee bani-aademka soomarta qornigan. In ka badan 4 million oo qof oo Tigree u badan ayaa baahi darteed u qurbaxay. Muslim iyo Gaalaba way ka murugoodeen waxii dhacay xiligaas, wayna u gurmadeen. Laakiin Wayaanahana waxay u ahayd farxadii ugu mahiimsanayd ee abid soo marta.
Xiligaa waxaa aduunyada hadheeyeey dagaalkii qaboobaa ee Bariga iyo Galbeedka. Dawladaha Reer galbeedkuna madoonayn inay wax xiidhiidh ah la sameystaan dawladii KT Mingisto ee shuuciga ahayd ee ka talinaysay Itoobiya. Inta badan gargaarka dawladahas ay bixinayeen waxaa lasoo marinayay Wayaanaha TPLF oo markaasi gacanta ku hayey baadiyaha galbeed ee Tigree. Sidii loo maamulay deeqdaas waxaa warbixin balaadhan ka bixiyeey Gabremedhihin Ar’aya oo markaasi ahaa Hoogaankii Dakhliga ee TPLF.
Waraysi dheeroo uu siiyeey idaacada Addis Dimt iyo paltalkga ECA.wuxuu yidhi Gabremadhihin Ar’aya; "Dadka Tigreeha maalin walba kunkun ayuu u dhimanayeey. Wadooyinka waxaad ku arkaysay dad harag iyo lafo noqday. Waxay Haadu cuntay hooyooyin mayda ah oo ilmahoodii wali xanbaarsan. Kuwii sheeganayey inay u taaganyahiin xoraynta Tigree xiligaas waxay aad ugu hawlanaayeen beecinta iyo kaydinta Raashinka loogu dhiibay in ay ku quudiyaan umada macluushan. Xiligaas waxaa la abuuray shirkada GUUNA oo ah shirkad ganacsi si ay u beecgayso deeqda loo soo diray shacabka Tigree. Sida lawada ogsoonyahay GUUNA waa shirkada ganacsi ee maanta ugu wayn wadanka Itoobiya.
Waxuu sheegay Gabremadhihin Ar´aya in roobkii abaarta soo afjaray uu xisbiga TPLF khasaaro murug leh gaarsiiyeey. Sababtoo ah ayuu yiri; "Roobkii wuxuu qaaday raashinkii aan meelo ka badan kun goobood ku kaydinay." Guud ahaan, waxuu Gabremedhin xaqiijiyey in hantiidii deeqda ahay wax kayar 5% la gaarsiiyey dadka inta kalana jeebka ay ku shubteen Meles Zenawi iyo xulufadiisa.
Gabremedhihin oo bari hore cabsi uga baxay Itoobiya ayaa si weyn ugu dheeraaday kharashka ku baxay dabaaldagyada iyo xafladaha TPLF sanadkii 1984. Tuusaale ahaan, wuxuu sheegay in shir socoday 15 maalmood oo dhacay bartamahii sanadkaas 1984 ay ku baxday 36 million oo Birr. Waxaynu wada xasuusanahay in sanadkii 2000 oo ay macluushu aafaysay Ogadeenya ay Wayaanaha TPLF u dabaaldageen sanad guuradoodii 25aad. Xafladaha iyo Taalooyinka laga taagay Maqale oo ah magaala madaxda Tigree isla sanadkaas waxaa ku baxay kharash dhan 20 million oo Doolar. Waa hubaal ah in kharashkaasi uu badbaadin karay kumanaan nafood oo Reer Ogadeenia ah. Yaase dan kaleh?
Beesha caalamka, waxaa lagudboon inay garwaaqsadaan khaladkii hore ay u galeen. Waa inay baaritaan ku sameeyaan halka ay martay malayiinta doolaree ay sanad walba gancata u galiyaan dadcunka Meles Zenawi. Waa inay ogaadaan nafaqada caruurta ay u soo diraan in lagu naxiyo askarta gumaada shacabka Soomalida Ogadeeniya. Waxaan aaminsanahay in lagaaray xiligii lagu khasbi lahaa maamulka TPLF inuu ogaalaado in baaritaan lagu sameeyo dhibaatada haysata shacabka Ogadeeniya. Intaas kadib waa in ay Beesha caalamku xaqiijiyaan sidii deeqda loo gaarsiin lahaa shacabkan tabaalaysan.
Ugu dambaytii dad xor ahi magaajoodo. Reer Ogadeenya aafada maanta haysataa waa tusaale kale oo muujinaya in dad aan xor ahayni ay gaajo ka badbaadi karin.
Waxaan helnay maqaal uu qoray wargayska caalamiga ah ee Times – oo soo baxay Isniintii bishii Dec. 21, 1987. Maqaalka oo dheeraa ayaa cinwaankiisu ahaa - Abaaro iyo Gaajo mar kale ku habsaday Itobiya – (Famine, Hunger stalks Ethiopia once again - and aid groups fear the worst -)
Maqaalkan xiisa leh ee taariikhiga ah qofkii akhriya wuxuu ogaanayaa in siyaasadda xukuumadda TPLF ay kula dagaalamayso dadweynaha Ogadenya uu la mid yahay siyaasadihii Mingisto X. Maryay uu ku gumaaday shacabka Tigree.
Maqaalka oo aad u dheer ayaan cutubyo ka mid ah ka soo qaadan doonaa si loo fahmo jariimada Wayaanaha inay tahay mid dhaqan ah.