Jig-jiga oo la go'doomiyay
Posted by maamule on January 25 2010 08:14:45
Wararka naga soo gaaraya magaalada Jigjiga waxay sheegayaan in magaalada ay go'doonsanayd laga bilaabo todobaadkii tagay oo la diyaarinayay imaanshaha KT Zinawi. Waxaa laga cabsanayaa CWXO oo magaalada meel aan ka fogayn saldhigyo ku leh.
Waxay arintan muujinaysaa inay tahay Jigjiga goob dagaal (Front line) oo KT Zinawi uusan naftiisa ku aamini karin. Sidaa waxaa yidhi gudoomiyaha JWXO adm. Maxamad C. Cismaan.
Extended News
Waxaa soo foodsaaray dadweynaha dagan Jigjiga oo lagu qiyaaso inay ka badan yihiin 800,000 oo qof xaalad aad u adag ka dib markii magaalada ay go’doonsanayd laga bilaabo todobaadkii la soo dhaafay. Magaalada ayaan qofna ka bixin qofna soo galin mudadaa iyadoo lagu soo dhex daadiyay magaalada ciidan ka badan 8000 oo askari oo taagan wadooyinka iyo guryaha dhexdooda. Waxaa kaloo magaalada hareeraheeda la dhigay ciidan lagu qiyaasay 30,000 oo askri.
Teleefoono aan ka helnay qaar ka mid ah dadweynaha magaalada ayay dadka ka cabanayaan dhibaatadan soo foodsaartay iyagoo sheegay inay jiran dad jiran oo daawooyin u baahnaa oo la diiday in laga soo saaro guryaha ay ku jiraan. Waxaa kaloo jira bay yidhaahdeen caruur caanaha dibadda looga keeno magaalada ku noolaa oo aan todobaad wax caana ah la siinin kuwaasoo markii lagu dayay waxyaabaha la qaso ka qaaday shuban calooleed oo hadda caafimaadkoodu uu aad u liito.
Gudoomiyaha JWXO adm. Maxamad C. Cismaan oo aan khadka teleefoonka ku waydiinay xaaladda magaalada ayaa sheegay inuu aad uga xunyahay dhibka soo gaaraya shacabka, isagoo ku tilmaamay inay arintan muujinayso KT. Zinawi yahay gumaysi dadkii uu gumaysanayay dhex yimid oo lafahiisa uga cabsanaya iyadoo si loo ilaaliyo naftiisa la go’doomiyay dad gaaraya hal malyan ku dhawaad oo ama daganaa Jigjiga dhxdeeda ama ku noolaa suuqa Jigjiga. Waxay kaloo muujinaysaa ayuu yidhi gudoomiyaha inay Jigjiga hadda noqotay frontline ka dib markii naftood-hurayaasha CWXO uu birmadkoodii soo gaaray meel aan ka fogayn magaalada.
Waxay dadweynaha magaalada Jigjiga dagan ugu baaqayaan caalamka in go’doonka ay ku jiraan wax laga qabto oo lagu qasbo gumaysiga inuu ka qaado magaalada ciidanka dhibaatada ku haya oo KT. Zinawi haduu ku nabad qabay Addisababa uu dib ugu noqdo.
Warar isa soo taraya ayaa sheegaya in markuu Males u soo kicitimayay dhanka magaalada Jigjiga garoonkii uu ka duulayay uu ka dhacay isku day lagu doonayay in lagu khaarijiyo. Waxaana falkaas fulinayay qaar ka mid ah saraakiishii la socotay. Waxaa garoonka lagu dilay siday ii sheegeen ila-wareedyo xog-ogaal ah labo sargaal. Males ayaa loo malaynayaa in uu ku raadganayo imaatinkiisa JIgjiga iyo inuu ka qayb galayo shirka ay leeyihiin ururka xoola dhaqatada.
Wixii ka soo kordha la socda.
ONA.