Bayaanka Ugaasyada iyo cuqaasha Jaaliyadda S. Ogadenya ee Waqooyiga Ameerika
Oktoobar 26, 2009
Waayadan danbe waxaa soo cusboonaadey nooc cusub oo ah ka ganacsiga dadka gaar ahaan somalida Ogadeeniya kaas oo waji cusub leh. Taariikh-da dadka madow ayaa waxaa ka mid ah ka ganac-sigii dadka madow taas oo dadka ka ganacsan jirey ay ahaayeen caddaan reer Yurub ah oo aan ehelnimo iyo diin isku xidhaa jirin balse maanta meelo badan oo Somaliya ka mid ah gaar ahaan Maamul ku sheega PuntLand waxaa badeeco qaali ah u noqdey in shacabka Somalida Ogaden oo gumeysiga ay is hayaan loo gacan galiyo.
Waxaa wax Islam-nimada iyo Somalinimada iyo darisnimada intaba ka baxsan ah in qof aad sheegeyso inaad wada dhalateen haddana cadowgii uu ka soo cararey aad dib ugu gacan galiso oo ah arrimaha uu maamulka PuntLand maalmahan dhaqanka ka dhigtey taasoo ka soo horjeeda qawaaniinta xuquqal insaanka ee ku xusan Dastuurka Qaramada Midoobey. Meesha waxgaradkii, culamaa’udiinkii iyo Isamadii ay noqdeen mid ka aamusey iyo mid u hanbalyeynaya.
Dhacdooyinkan soo noqnoqdey ee Maamulka PuntLand ku kacayo ma aha mid been abuur ah balse waa mid caddeymaheeda iyo markhaatigeeda leh oy inta badan qirteen, waxaana ugu danbeeyey shanta wiil ee reer Ogadeniya ah ee wayaanuhu xabsiyada Boosaasoo ku qaawiyey sawiradana kaga qaatey sidii Abu-qareybkii ciraaq, madaxoodiina gacanta wayaanaha lagu wareejiyey. Waxaa ka horeeyey labadii wiil ee suuqa Gaalkacyo badhtankiisa lagu ugaadhsaday ee midna meyd ahaan isagoo gawracan looga tagey midkii kalena aan laheynin meydkiisii si eheladiisii si wanaagsan ay ugu aasato. Waxaa ka horeeyey Wiilki suuqa Boosaaso lagu toogtay, ka dibna dad boqol kor u dhaafaya oo qaxooti ah loo xidhxidhay si arinta qiiq loogu qariyo. Waxaa ka horeeyey tii Garoowe ee Dhiirre Caafi iyo Cabdi-nur Sooyaan wayaanaha gacanta loogu galiyey. Waxaa jira dhacdooyin waxyeelooyin oo aan halkan lagu soo koobi karin oo waxyeelo dad badan loo gaystay.
Dhacdooyinkaas oo dhan intii Maamulka PuntLand ee uu ugu dambeeyo maamulka Cabdiraxmaan Faroole ay kula kacayeen shacabka Soomaalida Ogadeeniya wuu ka sii jeedey isaga oo dulqaad doorbidey tixgalinayeyna ehelinimada, darisnimada, Islam-nimada iyo Soomalinimada balse waxaa cadaatey iney u fasirteen dulqaadkii shacabka reer Ogadeeniya dad aan dareen laheyn kana danqan heynin xumaanta loo geysanayo. Arrintani waxay keentey in Cabdiraxmaan Faroole si badheedh ah ugu dhawaaqo in shacabka Soomaalida Ogadeeniya aysan aheyn Soomali isaguna uu yahey ruuxa qeexaya yaa Soomaali ah yaanse ahayn. Balse waxaan leenahey haddaan nahey waxgaradkii iyo cuqaashii S. Ogadenya ee Waqooyiga Amerika Go’aanka uu qaatay Maamulka PL ee Cabdiraxmaan Faroole oo ah cadaawada aan geedna loogu soo gaban lidigana ku ah shacabka Soomaalida Ogaadeeniya, Colaaddaas uu qaatey Cabdiraxmaan Faroole iyo maamulkiisa ayaa innoo wada go’aan ah.
Cid aan dhul laheyn Soomaali ma jirto Cid aan dhulkeeda la dhex dageyneyna majirto beesha Absamana waa tan markii aan Soomaali nahey ugu dhul balaadhan ha noqoto Soomaaliya, hanoqoto Waqooyiga Bari ee Kenya iyo Ogaadeeniya intabana bulsho u nasab sheegta qoyska Cabdiraxmaan Faroole waa laga helayaa. Hadaba, dhibaatada ka timaada ficilada xumaanta iyo naca xambaarsan waxaa dhabarka u ridan doona Maamulka PuntLand ee uu madaxda ka yahay Cabdiraxmaan Faroole.
Gebagebadi, waxaan ugu baaqeynaa Bulshada Soomaalida Ogaadeenya:
Ee degan ama ganacsi ku leh Degaanada qabiilka Majeerteen iney si dhekhso ah uga xero gedistaan degaanka Majerteen.
Iney hantidoodana uga daldashaan meelo kale, xataa haddii ay dantu ku qasabto iney ku noqdaan dalkoodii iyo gumeysigii ay ka soo carareen markii.
Qoraalkan waxaa soo saarey Ugaasyada, Suldaamada iyo Caaqillada Beesha Absame ee Waqooyiga Amerika.
Ugas Muxumed Cunshur
Ugas Muuse Sheikh Maxamed
Caqil Yusuf Gamadiid Shuriye
Caqil Xuseen Cabdiraxman Axmed
Caqil Xasan Qaloonbi Cisman
Suldan Xasan Tukri Xuseen
Caqil Maxamed Cumar Aden
Caqil Cabdiqani Sheikh Axmed
Caqil Axmednur Maxamed Xiirey
Caqil Maxamed Axmed Cabdulle
Caqil Ibrahim Sheikh Maxamed
Xaji Cabdullahi Xasan Khaliif
Dr. Cabdirisaq Maxamed Faliidh
Caqil Yusuf Dhammow
Caqil Cadullahi Wiil Yare
Caqil Cabdikarim Muxumed Xaji
Eng. Axmed Ugas Maxamed Ugas Cabdi
Eng. Cabdulahi Ugas Muxumed Qani
Caqil Cali Yarow Farax
Mudane Cabdi Cadood Geelle
Mudane Cabdi Xasan Axmed
Caqil Maxamed A. Cabdi
Caqil Garaad Maax Maxamed
Mudane Cumar Maxamed Aden
Ugas Cali Cabdi Yusuf
Mudane Cabdi Adan Cabdi
Dr. Cabdinasir Maxamed
Mudane Cabdinasir Hirsi Axmed
Caqil Xasan Cabdi Hudle
Ugas Nur Ugas Cali Abshir
Mudane Yusuf Axmed
Mudane Axmed Iiman Cabdiraxman
Mudane Ismaciil Cabdullahi Barkhadle
Caqil Farax Hudle
Caqil Maxamed Xashi Dhere (Gacamey)
Mudane Cabdulahi Gurey
Caqil Axmed Ismaciil Maxamed
Mudane Axmed Cabdi Hudle
Mudane Dahir Axmed Cabdi
Caqil Maxamed Axmed dahir
Dr. Cabdi-casis Ugas Maxamed
|
in ay ka calool go aan walaalahoo majeerteen waayo dadkaan aad kadacwoonaysaa oo loodhiibay cadowga etho in aanaan anagu garanayn cida ay lashaqeeyaan ay is garanayaa dadkiinu oo ay isjaajuusayaan oo qaarkiin ay wataan gaalada sidaa darteed in laka fogeeyo dadka maahan oo wali cuqaashiinu iyo wax garadkuunu ay sidaas kubaaqan dadku waadad walaalo ah mana kala maarmaan