Jabkii soo gaadhay Talyaaniga kama uuna hadhin ee waxaa uu maleegayay dabin dakano & qaab uu ku qabsado Ethiopia. Waxaa uu Talyaanigu Ethiopia ama xukuumadii xayle Sellase kusoo qaaday bishii october 1935-teedii duulaan quwad badan. Sanadku markuu ahaa 1936 bishii 5 aad  ayuu talyaanigu Addis Ababa qabsaday waxuuna ku daray xukunkiisii gumaysiga ee Bariga africa. Xayle Sellase si uu uga guulaysto talyaaniga dagaalkii bishii 12-aad 1934 ee loo yaqaan Second Italo-Ethiopian War  ee ka bilowday Walwaal oo ka tirsan gobolka Doollo ee Ogaden kuna dhamaaday in Ethoipia oodhan uu Talyaanigu qabsado waxuu hubeeyay dhamaan beeralaydii & shacabkii Ethiopia, Sida ku cad taariikhada 350,000-760,000  oo ciidan ah oo intooda badan ku hubaysan falaadho, Gudumo, Seefaf iyo Waramo ayu isu geeyay. Jab & naasa beel adag  oo soo foodsaaray Xayle sellase waxuu u qaxay oo u magangaliyo waydiistay dalka Ingiriiska. waxaana Addis Ababa oo uu cagaha soo galiyo ugu horaysay sanadkii 1941 markii ciidankii Talyaaniga ay jabiyeen kuwii Ingiriisku. 1947 ayay talyaanigu ogolaadeen in ay Erteriya ku wareejiyaan Xayle Sellase, iyadoo ugu danbayntii ay UN ku u codeeyeen midowga Ethiopia iyo Erteriya 1952.  Dhanka kale Xayle Sellase waxuu sameeyay 1931 Dastuurkii ugu horeeyay ee ay Ethiopia yeelato waxaana la dhaqan galiyay iyada oo aan cidina u codayn. Xayle Sellase waxuu ka faa’iidaysatay heshiisyo uu Melelik II la galay Ingiriiska oo markaas gumaysan jiray Ogaden iyo isagoo intii uu qaxootiga ku ahaa Ingiriiska isku soo nuday xadhko badan oo la xidhiidha xaga dhulka.

Dhanka kale iyadoo ay jireen heshiis uu Ingriisku la sixiixday odoyaashii soomaaliyeed ee Ogaden, heshiiskan ayaa dhigayay in dhulka soomaaliyeed ayna cidkale masuul ka noqon karin. meesha kan xabashida uu ingiriisku la galay uu dhigayay in  Ogaden  Ethiopia uu ku wareejiyo. sanadku markuu ahaa 19848 ayuu Ogaden qaybtii ugu horaysay ingiriisku u gacangaliyay Boqortooyadii xayle Sellase, intii kalena waxuu ku wareejiyay 1954. Ethiopia oo ahayd wadanka kaliya ee African ah ee ka qayb gashay shirkii Barliin (Berlin) 1884–85  ee lagu qaybsaday Africa ayaa shirkaas loogu sheegay in aan Madaxbanaanideeda la taaban karin dhulalka la qaysadayna waax waafi ah laga siin doono, iyadoo ugu danbayntii lagu  wareejiyay Erteriya iyo Ogaden.

Inkasta oo sheegashada Xayle Sellase & Melelikh II ee ka horeeyay ayna ku ekayn labada dhul ee lagu wareejiyay uuna quudarayn hayay Xayle Sellase in lagu wareejiyo Jamhuuriyada Soomaaliya & Jabuuti hadana markii uu helay qaybahan waxuu is biday awood & carcar hor leh. Xayle Sellase 25 bishii 8-aad 1956 waxuu booqasho ku bixiyay Ogaden si uu ugu wargaliyso dadwaynaha soomaaliyeed in ay Ethiopia ka midyahin. Xayle ayaa booqashadiisan magaalada Qabridahar shacabka ogadeenya ugu khudbeeyay in ay ka midyahiin Ethiopia ayna maanta laga bilaabo iska ilaawaan isirka soomaaliga. Hadalkan ayaa waxaa ka dhashay kacdoon shacab oo dadka soomaalida ay kaga soo horjeedaan duulaanka xabashida. Isagoo ka jawaabaya xayle sellase kacdoonkan ayay ciidankiisu gobolka Jarar ka gaysteen xasuuq ay ku dhinteen 70 qof oo shacabka. Maalintaas laga soo billaabo xalayle sellase waxuu cunaqabatayn ku soo rogay Ganacsigii ogadenya ay lalahayd soomaaliya, isagoo u xalaaleeyay ciidankiisa hantida shacabka ee kasoo galaysa dhanka soomaaliya. Arintan ayuu xayle sellase uga gollahaa in soomaalida laga jaro soomaalida ogadeenya laguna xidho Ethiopia, xukuumada Ethiopia ayaa samaystay ciidan loogu yeedho Faynaansi oo la wareega dhamaan waxii agab ganacsi ah ee kasoo gala ogadeenya dhanka soomaaliya waxayna  cunaqabatayn adag ku soo rogtay ganacsigii &  isu socodkii Ogadeenya laga soo bilaabo  sannadkii 2007,  ma la odhan karaa cuna qabatayntan iyo midaas xayle sellase waa isku ujeed?

Boqortooyadii Xayle waxaa markiiba ku kacay bulshooyinkii ay dulmiga ku haysay oo kala soo horjeedsaday dagaal ay ku doonayaan gobonimo. Jabhadaha sida daran ula dagaalay Xukunkii  xalayse sellase waxaa ka mid ahaa Jabhadii Nasrullaah ee u soo halgantay ka xoraynta gayiga soomaaliyeed Boqortoyadii dhiig miiradka ahayd ee Xayle. Kadib dadkii oo ku noqday Camadh & doolada’ xukunkii Xayle meelkastana wadanka dagaal ka socdo, Sanadkii 1970 xayle selaase waxuu kor u qaaday xidhiidhkiisii arimaha dibada, Waxuuna ka furay dhex dhexaadin wadamo African ah oo colaado & muran hadheeyeen, sida Uganda & Tanzania, Senigal  & Guinea, & Labada Sudan, Isaga oo dafiray indhahana ka lalinayay sinaasho la’aanta, boobka, musuqmaasuq la hadhsaday xukuumadiisa, saboolnimo, shaqo la’aan, isir badal, dhaqan baabi’inta,ku tumashada taariikhda, xasuuq & colaadahii dalkiisa gudahiisa ka holcayay. dhanka kale waxuu sameeyay ciidan laga uruuriyay qabaa’ilka iyo magaalooyinka oo garabsiiya ciidankii dawlada. Arintan ayaa u sumad eg  dhexdexaaddinta & isku dayo la sheego in Zenawi uu ka sameeyay wadamada Sudan , Ruwanda & Soomaaliya iyada oo uu indhaha & dhagaha ka dabooshay colaadaha ka socda wadanka Ethiopia dhexdiisa, sidoo kale ciidanka laga qoray ismaamulada sida kuwa liyuu booliska ee ka garab dagaalama ciidanka dawlada ma  qorshahaas ayay ku abtirsadaan? Laga soo bilaabo 1972 ilaa 1975 ayaa waxaa dalka ka dhacay abaartii caanka baxday ee Dabadheer & Bariislihii ay soomaalidu u taqaan oo dad & duunyaba xaaqday. Abaartan ayaa  si daran ugu dhufatay waqooyiga ethiopia & Soomaalida Ogaden.

Dhargidii & Xayle Sellase.

Iyadoo dawladii Xayle ay wiiqantay dhan dhaqaale & dhanka ciidankaba ayaa waxaa Xayle Sellase khaarajiyay korneel  Mengistu Haile Maryam oo1974 afganbi kula wareegay xukunka Ethipia. Iyadoo dhalatay xukuumadii ku caan baxday xasuuq & baabi’inta shacabka. Dhargigu Cadaadiskii sii jiray ayuu 5 jibaaray, Mengistu waxuu xasuuq shacab & mid dadkii la shaqayn jiray Xayle Sellase ayuu unkay, waxuu seefta ka aslay cidkasta oo uu uga shikisanaa in ay mucaarado, Waxaa qarxay dagaalo lagaga soo horjeedo xukuumadii fadqalalada ahayd ee qoriga inay ku maamusho shacabka u dhalatay. Ciidankii dhargiga waxay gaysteen xasuuq ayna cidi ka xisaabtamin oo ay u gaysteen bulshooyin ay ka mid ahaayeen Soomaalida Ogadenya, Oromo,  Erteria, Tigree & Canfar. Xasuuqan la  magac baxay Red Terror ee ay kula  kaceen shacabka ciidankii dhargigu ayaa galaaftay 100,000 oo ruux oo shacab ah ooy u arkayeen cadawga dawlada intii u dhaxaysay 1977 ilaa 1978 & intaas ka badan oo ah jabhadihii ku kacsanaa. Laakiin dagaalada dalka ka holcayay oo kala xoog badnaa waxaa ugu waynaa xusuuqii uu dhargigu gaystay kii ka dhacay Ogadeenya, kadib 1977 markii jabhadii WSLF oo garab ka helaysa ciidankii xooga dalka soomaaliya ay dagaal fool ka fool ah kula wareegeen inta badan dalka Ogadeenya. 17 sano oo xadgudub ka dhan ah aadanaha ay faraha kula jirtay xukuumadii dhargigu waxaa bilbaabmay khilaaf soo kala dhexgala dhargiga iyo wadanka Marakyanka oo caawin adag siin jiray dhargiga.

Iyadoo ugu danbayntii 1977 uu salka dhulka ku dhuftay xidhiidhkii Maraykanka iyo dhargiga, Xidhiidhka Jarmay ayaa sababay in Maraykanu ka joojiyo dhamaan taageeradii dhanka ciidanka iyo tii caadiga ahaydba . dhanka kale  Dagaaladii jabhadaha iyo qalalaalase aan kala joogsi lahayn ayaa waxuu lagday dhaqaalihii sii liicayay ee maamulka dhargiga, sidoo kale waxuu aragagax iyo niyad jab ku noqday ciidankii dhargiga, Arimahan ayaa surunka u furay jabhadii EPLF oo 1977 qabsatay meelo badan oo ka tirsan Eritrea in ay ku durugto xarunmo waawayn oo ay lahaayeen ciidanka dhargiga ayna qabsadaan deegaano baaxdleh. Dhanka kale Waxaa weerar ku qabsaday Ogadeenya jabahdii WSLF oo gacan ka helaysay ciidankii jamhuuriyada soomaaliya. Sidoo kale jabhadii TPLF ayaa magaalooyin ka tirsan gobolka Tigre ka fara maroojisay ciidankii xalye maryan.

Xaaladu markii ay cakirantay waxaa qasab noqotay Mengiste in uu  xidhiidh cusub raadsado waxuun markiiba ku lool xidhay  Cuba & midowgii sofiyeed (USSR). kuwan oo gacan ku siiyay in Mengiste uu Ogaden dib u qabsado. Si uu awoodiisii u soo celiyo xale maryan waxaa u soo gurmaday Midawgii soofiyeed,Cuba, Libiya, yamen iyo dalal kale oo ay xidhiidh siyaasdeed lahaayeen. Waa sababta xarunta Police ee magaalada Jigjiga loogu yaqaano Havana oo ah meeshii ay ka daganaayeen ciidankii Cuba magaalada goortaasi, aadna ugu aragto shaqsiyaad ku waashay dagaalkii oo ay ciidanka Cuba kaga tageen Jigjiga. Waxaa la jabiyay jabhadii WSLF  & ciidankii qaranka soomaaliyeed ee gacansiinayay. Markii ay ciidanka gumaysigu dib u qabsadeen dalka Ogadeenya waxay halkoodii kasii wadeen ololihii & isku daygii badalka bulshada iyaga oo ka faa’iidaysan haya jabkii ku dhacay bulshada iyo burburkii jabhada oo markaas iyada ah ayna jirin cid is difaaci kartay.

Xukuumada dhargiga qorshaheyaashii ay ku badalaysay bulshda Soomaaliyeed waxaa ka mid ahaa iyada oo soo dajisay dalka ama magaalooyinka waawayn Qoysas xabashi ah oo lagu qiyaaso 200,000 oo qoys si dadku isu dhexgalaan deegaan & dad ahaanba. Sidoo kale waxaa loo soo raray dhanka ogadeenya xaasaskii iyo caruurtii ciidanka dhargiga ee ku sugnaa ogadeenya. Barnaamijka oo loogu magac bixiyay dib u dajin waxuu dhargagu ku bixiyay hanti badan si loo dhiirigaliyo xabashidii lasoo dajinayay Ogadeenya waxaa loo qaybiyay lacag ay ku noolaadaan 8 sano & Agab badan oo isugu jirtay Qalab guri  iyo midka dalaga beeraha. Sidoo kale waxaa loo sameeyay Ganacsi & Beero, iyadoo loo balan qaaday qofkii xabashi ah ee guursata qof soomaali ah in la siin doono 10,000 oo bir. Barnaamijka ayaa meelaha qaar waxaa ka hortagay shacabkii deegaanka, kuwaas oo si adag u hor istaagay mashaariicdii lagu dajinaayay bulshada xabashida dhulka soomaalida.

Dhanka kale waxaa jiray banaamij soo jiray ilaa xayle sellase oo ahaa in caruurta kaaba qabiilada,ugaasyada & balabaadada la geeyo iskuulaad kor loogu qaadayo wacyigooda Ethiopian -nimo. Qalalaasahan kadib waxoogaa guul ah oo uu is biday ayaa waxuu ku dhawaaqay Xayle maryan xisbigii WPS ee shaqaalaha waxyar kadibna waxuu sameeyay Dastuurkii badali lahaa kii xalayse sellaase sanadkii 1987. Geesta kale Abaaro, Macaluul, sicirbarar & Colaado ku habsaday maamulkii dhargigu waxay ka rareen waqooyiga Ethiopia  dad lagu qiyaaso 600,000 oo qays iyaga oo dajiyay koofurta fog, xeelad ay rabeen in ay kaga reebaan dadka dagaaladii cadaadis diidka ahaa ee ka socday waqooyiga, si ay uga gaashaantaan kacdoon & qulqulatooyin ka dhan ah xukuumadii dhargiga oo ka salbalaaadhan dagaaladii socday & indhaha caalamka oo ay rabeen in ay ka daboolaan. Diraacdan ayaa kaliya sanadihii 1980-kii  aduunka ka hogaamisay 1 maylan oo ruux. Arinta loogu yeedhay dib u dajinta ee laga samayn hayo wakhtiga Ogadeenya miyayna isku sumad ahayn tan ay maamulkii dhargigu sameeyeen markii lagu jabiyay dagaalkii ciidankii dhargiga, sidoo kale shacabka ay soo kartay cadaadiskii & nolol xuma.

Qaybtii 1aad

Ethiopia waligeed ba taageero ku nool ayay ahayd ayna ku cimridheerari jirtay.

La Soco Qaybta kale.

Xarbi Aden/ona24@rocketmail.com 

 

 

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay